Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo isu casilay Qaddiyada Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland ayaa saaka shaaciyay in uu is casilay.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in uu iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu la dareen yahay shacabkiisa Reer Sool oo Puntland ku fashilantay in ay xorayso.

” Waan iska casilay xilkii xildhibaanimo ee Puntland waxaan la dareen ahay shacabkayga” ayuu yiri xildhibaanka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli xalay shacab hubaysan ay Laascaanood ka saareen ciidamada Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo isu casilay Qaddiyada Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this