General Duke Posted July 3, 2007 Chinese gov´t to donate 600,000 US dollars to AU Source: CCTV.com | 07-02-2007 09:21 Special Report: Chinese "blue berets" The Chinese government will donate 600,000 US dollars to the African Union. Chinese envoy and Assistant Minister of Foreign Affairs, Zhai Jun, made the pledge during a meeting with AU Commission Chairman Aplha Oumar Konare on Saturday. Zhai says half of the donation will be directed toward supporting the Union's development. And the rest, for the AU's peacekeeping mission in Somalia. Zhai spoke highly of the significant role the AU has played in various aspects. He also says the Chinese government will continue to support the AU in playing a larger role in regional and international affairs. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 3, 2007 Beesha caalamka oo soomaliya soo gaarsiisey deeq lacageed Written by Osman Dhayib Tuesday, 03 July 2007 C/kariim Laqanyo ayaa waxa uu sheegay in dalalka qarashka bixiyay ay ka mid tahay dowladda Engriiska oo bixisay dhaqaale loogu talo galay howsha nabad ilaalinta, inkastoo aanu sheegin inta ay dhan tahay lacagtaasi. Dowladda Talyaaniga ayuu sheegay in ay bixisay lacag gaareysa 10 Million oo doollar oo loogu talo galay in lagu taageero ciidamada Midowga africa ee Somalia. Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in iyana ay bixiyeen qeyb ka mid ah 13 Million oo ay u balan qaadeen ciidamada nabad ilaalinta taas oo qeyb ka mid ah ay ku rideen sanduuqa ururka Midowga africa. Safiirka Somalia u fadhiya ururka Midowga Africa C/kariim Faarax Laqanyo ayaa waxa uu sheegay in dowladda Nigeria ay bixisay lacag gaareysa 2 Million oo dollar halka Faransiiska uu balan qaaday in dhiniciisa uu ka taageerayo xagga qalabka ciidamada Midowga Africa ee Somalia la keenayo. Mr. Laqanyo ayaa waxa uu sheegay in Ra'isulwasaare Geedi uu Somalia u matalayo kulan madaxeedka Midowga Africa, isagoo kulamo la qaatay madaxda wadamada Africa qaar ee loo idmay in Somalia ay u diraan ciidamo nabadda Ilaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dowladaha Burundi, Ghana, Nigeria iyo Mallawi, iyadoo uu sheegay in Madaxweynaha cusub ee Nigeria uu ka cudur daartay ciidamadii ka imaan lahaa dhinaca dalkiisa sababo la xiriira isagoo wali aan dhameystirin xukuumaddiisa cusub. Midowga Africa ayaa kal hore waxa uu isku raacay in Somalia ay u diraan ciidamo gaaraya 8 kun oo askari waloow aanu ku guuleysan in Somalia ay u soo diraan wax ka badan 1500 oo askari oo ka socda dalka Uganda. Quote Share this post Link to post Share on other sites