Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilka qaadista Cabdillaahi Abokor: Aargoosi Siyaasadeed Oo Madaxweyne Biixi 25 Sanno Kadib U Suurtogaly

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida taariikhda ku cad sannadkii 1993 ayuu AHUN Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u magacaabay wasiirkiisa daakhiliga Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, xilkaasna waxa uu hayay muddo labo sano ah. Hase yeeshee labo sano kadib ayuu madaxwayne Cigaal xil kaqaadis ku sameeyey Muuse Biixi, intaas kadib Muuse Biixi waxa uu uruursday ciidan beeleedyo isagoo bannaanka uga baxay magaalada Hargeysa.

Odayaal iyo waxgarad ay Madaxwayne Cigaal iyo Biixi ba isku deegaan yihiin ayaa arrintii dhexdhexaadin ka galay, kadibna waxay ergo ugu tageen madaxwayne Cigaal AHUN, iyagoo ka codsaday inuu xilkii ku celiyo Muuse Biixi, Madaxwayne Cigaal isagoo aan wax dhib ah muujin waxa uu odayaashii ku yidhi “Inanku waa Inankaygii haddu xilka aan ka qaaday dib u qaadanaayo hadda ayaan magacaabaya ee waydiiya”. Waxay ku jawaabeen odayaashii “Waydiinay oo wuu qaadanaya” kadibna waxa uuu madaxwayne Cigaal sameeyey dhacdo taariikhda siyaasadda gashay taas oo ahayd inuu galinkii hore Muuse Biixi magacaabay ayuu galinkii dambena ka qaaday! Hal ku dhegyada caanka noqday ee xilkaqaadistaas madaxwayne Cigaal ku ladhay waxa ka mid ahaa kelmadda caanka noqotay ee “waa rafadkii ay rafanaysay” iyo tuduc maanseedkan:

Anigoon ku diran waadigii damaca waalnaaye

daydayo haddaan kuu fasaxay dibad wareegiiye

Arrintaasi Muuse Biixi waxay ku noqotay dhirbaaxo kulul oo aanu siyaasad ahaan ka soo waaqsan, waxaana uu bilaabay inuu dagaal la galo Cigaal iyo xitaa inuu qoys ahaan ula dagaallamo.

Haddaba waxa maanta u sansaan eg taas, xilkaqaadistii uu maanta madaxwayne Biixi ku sameeyey wasiir Cabdillaahi Abokor oo marar badan u godoboobay madaxwayne Biixi, waxana sii yaab leh inuu xilka qaadistan ku sameeyey wasiirka oo ku jira ololaha diiwaangalinta ee xisbiga KULMIYE kuna sugan gobolka Togdheer. Arrintan ayay dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen aargoosi siyaasadeed oo madaxwayne Biixi kaga aargoosanayo dhacdadaas 1995 ku dhacday, maadaama sida la ogyahay aanu Biixi waxba illaawin, halka Cabdillaahi Abokor iyo M. Cigaal AHUN ay isku deegaan ka soo jeedaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this