Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareegto Xilkaqaadis,Bedelid & Magaacabis wasiiro oo ka soo baxday Madaxtooyada S/land+Wasiir isagoo olole ku jira xilkii laga xayuubiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xil Ka-qaadis.

Ku: Cabdillaahi Abokor Cismaan
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Beddel

Waxaan Go’aamiyey;

In aan Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) ka soo beddelo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, una beddelo laga bilaabo taariikhda maanta in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Waxaan Go’aamiyey;

In Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
xoorxoor.png
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this