Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuu ahaa bartilmaameedka Shabaab kadib qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay kordheen khasaaraha ka dhashay qaraxyo is-miidaamin ahaa oo ay saaka aroortii hore kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday gudaha degmada Maxaas oo ka tirsan gobolkaasi.

Qaraxyado oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan ku dhintay illaa 15 qof oo ay ku jiraan haween shaax ku iibinayay goobta, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ay ku jiraaan saraakiil iyo wariyeyaal.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah qaraxyadan lala eegtay guriga uu gudaha degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa gudaha guriga.

Sidoo kale qaraxaa labaad ayaa isna waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhuftay  guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Guddoomyaha oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa shaaca ka qaaday in ay ka bad-badeen qaraxyadaas oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen  kuwa ‘aragagixiso’.

Muumin ayaa sidoo kale intaas ku daray in hay’adaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxana shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse ma shaacin inta uu la’egyahay.

Weeraradaan waxay ku soo aadayaan,  xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.

Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo inta badan ka saara HirShabeelle.

The post Yuu ahaa bartilmaameedka Shabaab kadib qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this