Sign in to follow this  
General Duke

Sharjah UAE officials bussiness men arrive in Bossaso

Recommended Posts

Wafdi ka socda maamulka Shariqa iyo Ganacsato soo gaaray Bosaso

 

Bosaso :- Waxaa maanta magaalada Bosaaso soo gaaray wafdigii ugu horeeyey ee ka yimid dhanka maamulka Shariqa oo la xariir mashruucyada laga fulin doono Puntland.

 

Wafdigan ayaa xubnaha kamid ah ay ku jiraan shirkado iyo hay'ado hoostaga Suldaan Mohamed Bin Al Qassimi ayagoo u yimid magaalada sidii ay warbixin uga diyaarin lahaayeen bilaabida 4tii mashruuc oo ay Puntland iyo Mandaqada Shaariqa ku heshiiyeen.

 

Wafdigan ayaa lagu wadaa inuu kormeer shaqo ku tago Dekkada magaalada Bosaaso oo kamid ah goobaha lagu dhisi doono mashruucyadan.

 

Airporka Bosaaso ayaa sidoo kale kamid ah goobaha ay daneenayaan in ay eegaan heerka uu marayo dhismaha.

 

Maamulka Shaariqa ayaa horey u balan qaaday inuu bixin doono inta badan kharashka ku baxaya dhismaha Airporka Bander Qassim International, iyo waliba Dekkada Bosaaso oo lagu sameyn doono dayctir balaaran.

 

Maamulka Shaariqa musharuucyada uu ka fulinayo Puntland ay waxaa ku jira mashruucyo kale oo ay kamid yihiin, qalabeynta Booliiska Puntland iyo dhismo cisbitaalka Guud ee dhalaanka iyo Caruurta.

 

Wafdiga ayaa isugu jira xubno matalaya shirkadaha fulinaya mashaariicda iyo la taliyaasha maamulka shaariqa ee dhanka hirgelinta mashruucyadan, waxaana safarkooda ku weyhliya xubno kasoo jeeda Puntland oo ayagu ku hawlan mashaariicdan.

 

Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse oo asagu hada ku maqan magaalo madaxda Puntland oo ay maanta ka dhaceyso munaasabada Caaleemo saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Musse.

 

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Bosaso, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo maanta soo gaaray magaalada Boosaaso

 

Boosaaso - 30.May.2005 Wafdigan oo uu horkacayey ganacsade reer Puntland ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Malow ayaa waxaa abbaara 11:30-ka barqanimo ka soo degeen gegida dayuuradaha ee magaaladan Boosaaso, iyagoo ka soo yimid Imaaradda Shaariqa.

 

Wafdigan oo ka kooban lix xubnood ayaa imaatinkooda Puntland lagu xiriirinayaa dhinaca Dhismaha, sida uu SBC u sheegay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamul goboleedka Puntland C/nuur Cilmi Biindho oo ka mid ahaa madaxdii maamulka ee wafdigaasi ku soo dhowaysay garoonka.

 

Mr. Biindho wuxuu intaa ku daray in wafdigan ay xog horay uga haysteen arrimaha la xiriira dhismaha dekeda iyo airoboorka, balse ay markan u yimaadeen indha indhayntoodii ugu dambaysay isla markaan ay hawl billaabi doonaan mustaqbalka dhow.

 

Sidoo kale, wasiir kuxigeenka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Yaasiin Cartan Maxamed oo wasaaraddaasi mas'uul uga ah dhismaha ka soda garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa SBC u sheegay in wafdigan ajendahooda ugu muhiimsan uu yahay dhismaha iyo dayactirka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso inkasta oo wafdigani ay xilligan u socdaan indha indhayn iyo qiimayn.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee wafdi sidan oo kale ah ay yimaadaan Puntland oo ay sawirro ka qaataan goobaha Puntland ee maalgashiga u baahan, balse xilliga ay ku soo beegmeen ayaa ah xilli aad uga duwan xilliyadii hore.

 

Waxay yimaadeen xilli ay maamulka iyo ganacsatada waawayn ee Puntland isu kaashanayaan inay maalgashadaan goobaha laf dhabarta u ah dhaqaalaha Puntland, iyadoo taasina ay bar bar socoto bur bur hor leh ku yimid wadada dheer ee isku xirta Boosaaso iyo Puntland inteeda kale taasoo wafdiga haatan yimid la filayo inay sawiro ka qaatan wax qabadkoodana la sugi doono.

 

Mas'uuliyiintii maamulka ka socotay ee wafdigan ku soo dhoweysay magaalada Boosaaso waxaa ka mid ah wasiir ku xigeennada hawlaha guud iyo gaadiidka Maxamuud Bile Dubbad iyo Yaasin Cartan Maxamed, Gudoomiyaha G/Bari Yuusuf Maxamed Wacays {Dhedo}, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/nuur Cilmi Biindo, wasiir ku xigeenka hawlaha guud Maxamuud Bile, iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Eng. Axmed Barre oo ah injineerka gacanta ku haya mashruuca dhismaha garoonka.

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

SBC Boosaaso

nuunow16@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Mas'uuliyiintii maamulka ka socotay ee wafdigan ku soo dhoweysay magaalada Boosaaso waxaa ka mid ah wasiir ku xigeennada hawlaha guud iyo gaadiidka Maxamuud Bile Dubbad iyo Yaasin Cartan Maxamed, Gudoomiyaha G/Bari Yuusuf Maxamed Wacays {Dhedo}, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/nuur Cilmi Biindo, wasiir ku xigeenka hawlaha guud Maxamuud Bile,
iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Eng. Axmed Barre oo ah injineerka gacanta ku haya mashruuca dhismaha garoonka.

heard that eng axmed barre muuse was the most successful architect in somalia. his portfolio includes just to name a few; somali national university (lafoole) (pic during US peacekeeping force presence in muqdisho. they used it as a military compound) , kismaayo international airport (pic during general morgans rule of kismaayo. after general morgans ousting all development organisations left the city) and of course the boossaasso presidential palace .

so no doubt, the construction of the new airport of boossaasso is in good hands. he and many other puntland architects that fled muqdisho are the reason why boossaasso looks a lot like muqdisho in design of the buildings.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this