Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaas (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwa ismiidaamin ah isla-markaana loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxyadan lala beegsaday maqaaxi lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi, isla-markaana uu ka dhashay burbur aad u xoogan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxyadaan, waxaana la xaqiijiyay dhimashada illaa 5 qof oo ay ku jiray haween shaax ku iibinayay goobta la qarxiyay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay Maxaas ka bilaabeen howlgallo, kadib weerarka ka dhacay halkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxana shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse ma shaacin inta uu la’egyahay.

Weeraradaan waxay ku soo aadayaan,  xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.

Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

FB_IMG_1672808821602.jpg?resize=696%2C92 FB_IMG_1672808824479.jpg?resize=696%2C92 FB_IMG_1672808826566.jpg?resize=696%2C92 FB_IMG_1672806606814.jpg?resize=696%2C92 FB_IMG_1672806604583.jpg?resize=696%2C92

 

The post Sawirro: Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this