Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor-imaad hubaysan oo xalay ka dhacay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Iska hor-imaad hubaysan oo u dhexeexa Ciidamada Somaliland iyo xoogagga jabhadda SSC ayaa mar kale xalay ka dhacay Laascaanood.

Xoogagga SSC ayaa sida la sheegayo qoryaha garabka laga rido ku weeraray saldhigyo ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Laascaanood.

Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in xalay iska hor-imaad culus uu magaalada ku dhexmaray Somaliland iyo SSC.

Labada dhinac ayaa saacado ku dagaallamayay xaafada dhinaca Koonfureed ee Laascaanood sida ay xogaha sheegayaan.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkii xalay waana habeenkii labaad oo la weeraray ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Iska hor-imaad hubaysan oo xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this