Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaabka ay ciidamada Somaliland ula dhaqmayaan dadka mudaharaadka  ka wada magaalada Laascaanood oo la cambaareeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland ayaa cambaaraysay qaabka ciidamada Somaliland ula dhaqmayaan dadka mudaharaadka  ka wada magaalada Laascaanood.

guddoomiyaha xarunta Yaasmiin Cumar, ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen dhimasho, dhaawac iyo xadhig loo gaystay mudaharaadayaasha.

Shacabka Laascaanood ayaa markii hore ka mudaharaadayay dilalka haldoorka magalada oo aan cid loo soo qaban balse markii dambe shacabku waxa ay dalbanayaan in Somaliland ka baxdo magaalada iyo deegaamadooda kale.

Mucaaradka Somaliland ayaa xukuumadda ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta ammaanka magaalada Laascaanood iyo weliba sida ay markii dambe ula dhaqantay dadka shacabka ah ee dareenkooda muujiyay.

Somaliland ayaa wafdi u dirtay Laascaanood si xaaladda loo dejiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this