Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadho ka dhalatay wasiir Israa’iili ah oo booqday Masaajidka Al-Aqsa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka midigta-fog ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir ayaa maanta booqday dhismaha masjidka Al-Aqsa markii ugu horreysay tan iyo markii uu noqday wasiir, waxaa sidaas sheegay afhayeenkiisa, taasi oo ka cadheysiisay Falastiiniyiinta oo tallaabadaas u arka daan-daansi.

“Dowladdeena isuma dhiibi doonto hanjabaadaha Xamas,” Ben-Gvir ayaa sidaas ku yidhi bayaan uu daabacay afhayeenkiisa, kadib markii Xamas ay ka digtay in tallaabadan ay tahay “khad cas”.

Booqashada Ben-Gvir ayaa timid maalmo kadib markii uu la wareegay xilka wasiirka amniga qaranka, xilkaas oo awood u siinaya maamulka booliska.

Al-Aqsa waa meesha saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, sidoo kalena Yuhuuda ayaa u arka goobta ugu barakeysan diintooda, kuwaas oo ugu yeera Temple Mount.

” Temple Mount waa meesha ugu muhiimsan dadka Israa’iil, waxaana ilaalinaynaa xorriyadda dhaq-dhaqaaqa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, laakiin Yuhuudda waxa ay sidoo kale fuuli doonaan buurta, islamarkaana kuwa hanjabaadda sameynaya waa in lagula macaamilaa – gacan bir ah,” ayuu yidhi.

Dhismahan oo ku yaala bariga Qudus ee ay Israa’iil haysato, ayaa waxaa maamula Golaha Arrimaha Islaamka ee Waqf, iyadoo ciidamada Israa’iil ay halkaas ka howlgalaan islamarkaana maamulaan gelitaanka.

Ben-Gvir ayaa u ololeeya in dib u habayn lagu sameeyo maamulka goobta si loogu ogolaado Yuhuudda inay ku tukadaan, tallaabadaas oo ay ka soo horjeesteen mas’uuliyiinta wadaaddada Yahuudda.

Ilaalada Waqf ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Ben-Gvir ay la socdeen cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka Israa’iil, iyadoo diyaarad aan duuliye lahayn ay dul heehaabaysay Al-Aqsa.

Kadib markii uu ka tagay goobta subaxnimadii Talaadada, waxaa yimid booqdayaasha, xaaladduna waa ay deganeyd.

Inkasta oo Ben-Gvir uu marar badan booqday Al-Aqda tan iyo markii uu soo galay baarlamaanka April 2021, haddana inuu tago isaga oo wasiir ah ayaa leh miisaan aad u culus.

Booqasho muran dhalisay oo sanaddii 2000 uu Al-Aqsa ku tegay hoggaamiyihii mucaaradka ee xilligaas Ariel Sharon ayaa noqotay mid ka mid ah waxyaabihii ugu weynaa ee kiciyay kacdoonkii labaad ee Intifada oo socday ilaa 2005.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this