Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo magacaabay guddi doorasho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaanatay baarlamaanka 11-aad.

Guddiga doorasho ee uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxay ka kooban yihiin 9 xubnood, sida lagu soo saaray wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Xamza ayaa magacaabistan u cuskaday qoddobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ah iyo go’aanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Mudane Xamza markuu arkay wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017, ayaa wuxuu magacaabay guddigaan.”

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.

Xubnaha guddigaan ayaa waxay kala yihiin;

  1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
  2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
  3. Cabdi Hiis Udan
  4. Cabdishakuur Abiib Hayir
  5. Cabdullaahi Cabdi Aden
  6. Mowliid Mataan Salaad
  7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
  8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
  9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed

Guddigaan oo isla maanta shaqo bilaabay ayaa waxa la wada sugaya sida ay ka yeelaan kuraasta banaan oo kamid yihiin kursiga laga xayiray Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin iyo kursiga uu baneeyay agaasimaha cusub ee Mahad Salaad.
323970671_742193920890265_89433967909153 323786449_659319382633267_15434655754807 324016459_5973703792651197_2213046314122 322569941_595821732375448_48327391349799 323860511_893192385030924_12990596677092 322709481_714410476755816_29188100128447 323736707_560841019223649_71169759181828 324018602_1142820259748608_6064236072160

The post R/W Xamza oo magacaabay guddi doorasho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this