Deeq A. Posted January 3, 2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddiga kumeel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad. Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin: 1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame3. Cabdi Hiis Udan4. Cabdishakuur Abiib Hayir5. Cabdullaahi Cabdi Aden6. Mowliid Mataan Salaad7. Maxamed Aadan Cismaan Yare8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay guddi doorasho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites