Sign in to follow this  
Deeq A.

Mushariixinta Mucaaradka Puntland ee 2024 oo madal kaga dhawaaqay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madal ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka isbeddel-doonka ah ee Puntland ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Garoowe.

Siyaasiyiintan oo shir uga socday caasimadda Garoowe ayaa ku dhawaaqay madal ay ku midaysan yihiin musharrixiinta doorashada Puntland ee sannadka 2024.

War-saxaafadeed ay soo saareen Madashan cusub ayay kaga hadleen dhibaatada ka taagan Laascaanood iyo sidoo kale doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayay sidoo kale ugu baaqeen in aanu horseedin qalalaase siyaasadeed oo ka dhaca Puntland islamarkaana doorashada madaxtinimada uu wakhtigeeda ku qabto.

Halkan ka akhriso Qoraalka

FB_IMG_1672738520452.jpg?resize=720%2C90 FB_IMG_1672738527323.jpg?resize=720%2C95 FB_IMG_1672738532519.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Mushariixinta Mucaaradka Puntland ee 2024 oo madal kaga dhawaaqay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this