Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Aadan Madoobe oo guddi u xil-saaray arrinta Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan xiisadda haatan ka taagan magaalada Laascaanood.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa guddi gaar ah oo xildhibaano ah u magacaabay arrinta Laascaabood, kaas oo ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in guddiga uu magacaabay uu warbixin kasoo diyaarinayo shaqaaqooyinka ka socdo magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Sidoo kale warqadda kasoo baxday xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa guddiga lagu faray inuu si deg deg ah u howlgalo, kadibna uu warbixintiisa dib ugu soo celiyo golaha oo ugu dambeyn go’aan kasoo saari doono xiisada ka jirta Laasacaanood.

Dowladda federaalka ayaa horey u cambaareysay rabshadaha ka socdo Laascaanood, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo rayid ah.

Xaaladda magaalada ayaa kacsanayd maalmahan iyadoo ay ka socdeen bannaanbaxyo daba socday dil toddobaadkii hore loo gaystay mid kamid ahaa siyaasiiyiinta degaanka.

Qulqulatooyinkaas ayaa sidoo kale keenay in ay rasaas adeegsadanaa  ciidamada Somaliland, taas oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen 20 qof iyo dhaawaca tobanaan kale.

Kacdoonka shacabka reer Laascaanood ayaa galay maalintii 10-aad, waxayna ciidamada Somaliland ay weli isku dayayaan in ay awood ku joojiyaan kacdoonkaasi.

Dhanka kale waxaa isa sii taraya baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.

Si kastaba, magaaladaan waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada reer Laascaanood.
324028716_1210971103151768_3291371405244323779172_541402217717699_89527066059766

The post Sheekh Aadan Madoobe oo guddi u xil-saaray arrinta Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this