Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrixiinta Puntland ee doorashada 2024 oo maanta war ka soo saaraya Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672731698598.jpg?resize=720%2C54

Siyaasiyiin ku midaysan isbeddel doonka cusub ee Puntland ayaa ku shirsan caasimadda Garoowe.

Siyaasiyiintan oo u sharraxan xilka Madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024 ayaa lagu wadaa in ay maanta war-saxaafadeed ka soo saaraan xaaladda ka jirta Puntland.

Puntland ayaa u muuqata mid durba sannadka cusub gashay ololaha doorashada 2024 xilli Madaxweyne Deni weli isku maaweelinayo qof iyo cod.

Hadal-haynta doorashooyinka qof iyo cod ayaa maalmihii u danbeeyay ku sii yaraanayay gudaha Puntland waxaana ka saamayn batay xiisadda Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Musharrixiinta Puntland ee doorashada 2024 oo maanta war ka soo saaraya Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this