Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahintii Qaranka ee Malaayiinka Doollar miisaaniyadoodu ahayd,TVgii Radio Hargeisa, Wargeyskii Dawan,Ilaa Faaladii Cantara-baqashta laga sii deyn jiray ma waxaa muquuniyay oo u awood sheegtay saddexdan Wariye ee dibad-meerka ah?

Recommended Posts

Deeq A.   
Warbaahintii dhamayd ee Qaranka ee Malaayiinka Doollar miisaaniyadoodu ahayd, TVgii Qaranka, Radio Hargeisa, Wargeyskii Dawan iyo Ilaa Faaladii Warka ee cantara-baqashta laga sii deyn jiray, ma waxaa muquuniyay oo u awwood sheegtay saddexdan Wariye ee dibad-meerka ah?
Waxaan shaki ku jirin in saddexdan Weriye ay qabsadeen dhegaha dadweynaha reer Laascaanood ee gudo iyo debedba jooga, isla markaasna ay muquuniyeen Warbaahintii Dawlada.
Waxaa muuqata inay Warbaahintii Dawladu ay ku fashilantay Wacyigelinta iyo ka qayb qaadashada deminta xiisada ka taaggan Laascaanood, balse ay saddexdan Wariye ku guuleeysteen inay dab ku shidaan arrinta Laascaanood oo ay gaadhsiiyeen dunida oo dhan.
Waxaa cadaatay inaan Warbaahinta Xukuumadu qorsho weyn lahayn ee ay u Xiniinyo weynayd UCID iyo WADANI ama Faysal iyo Cirro balse ay si foolxun ugu fashilantay middeynta shacbiga iyo Wacyigelinta Muwaadiniinta iyo ka qayb qaadashada nabadgelyada.
weriye.png
Waxa qoray

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this