Sign in to follow this  
General Duke

Beledweyne bombs rock the city

Recommended Posts

Qaraxyo is daba joog ah oo ka soo cusboonaaday B/weyn

 

B/weyn (WNT)-Qaraxyo ayaa ka dhacay magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo aan weli si rasmi ah loo ogayn cidda ka danbaysa aysan jirin cid si cad u sheegatay.

 

Goor dhoweyd ayaa qarax ka dhacay suuqa xoolaha ee degmada B/weyn kaasi oo inta laga warqabo uu ku geeriyooday hal ruux koox kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

 

 

 

Weli si rasmi ah looma garan karo sababta dhabta ee qaraxaan keentay mana ahayn mid is miidaamis ah iyo weliba miinada meelaha fog fog laga hago.

 

 

 

Dadka qaar ayaa sheegaya in qaraxaani uu dhacay intii uusan gaarin goobtii loogu tala galay,iyadoo uu dilay ruuxii sitay,halka qaar kale ay sheegayaa inuu ahaa bumbo gacmeed la soo tuuray.

 

 

 

Xalay ayaa sidaasi oo kale waxaa bumbo gacmeed lagu tuuray ciidamada Maxaakiimta kuwa raacsan dawlada lamana sheegin cid wax ku noqotay.

 

 

 

Magaalada B/weyn oo ay ka jirtay deganaan aan tigimo xooggan ku taagnayn ayaa dhowaan waxaa soo gaary wasiirka amniga qaranka Cumar Xaashi iyo malayshiyaad uu kala yimid dalka Ethiopia waxaana tani khal khal sii galisay degamanaata magaaladaasi.

 

 

 

Qaraxyadaan ayaa loo malaynayaa in qorshaha ka danbeeyaa uu yahay daan daansi lagu lagu doonayo magaalada B/weyn uu dagaal ka holco si dagaalku uu ugu soo faafo dhanka dhinaca koonfureed ee Soomaaliya waxaase arintaasi hor taagan odayasha iyo wax garadka gobolka Hiiraan.

 

 

 

Xaaladu si kastaba ha ahaatee magaalada B/weyn ayaan wax dagaal ahi ka jirin laakiin waxay la xiiraysaa ciidamo iyo weliba hub aan isku fakir ahayn halisna gelin kara dadka shacabka ah ee halaasi ku dhaqan.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net B/weyn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this