Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni: Shacabka SSC ayaa leh go’aaminta Masiirkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku dhawaaqay in shacabka Gobolka Sool loo raaci doona sida ay u go’aamiyaan masiirkooda.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay haddii Puntland ogolaan doonto in SSC loo dhiso maamul gaar ah oo ka madax-bannaan Puntland iyo Somaliland.

Siciid Deni ayaa sheegay in hadba shacabka Sool sida ay go’aansadaan lagu taageeri doono islamarkaana aysan Puntland waxba ka hagran doonin.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada ka taagan Laascaanood waxaana uu sheegay in Somaliland dagaal looga saarayo Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni: Shacabka SSC ayaa leh go’aaminta Masiirkooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this