Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqanayo ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu gaaro xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas oo uu kulan kula qaadanayo ciidamo dhawaan laga keenay dalka Eritrea.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay qayb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada dalka.

Madaxweynaha ayaa horay u sheegay in inta lagu guda jiro bisha january 2023-ka ay soo dhameystirmi doonaan dhammaan ciidamada oo qayb qayb loo keenayay dalka.

Ciidamadaan ayaa la qaaday xilligii madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana mar soo baxday in ay qayb ka noqdeen dagaal u dhaxeeyo TPLF iyo ciidamada Itoobiya oo ka dhacay gobalka Tigrayga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad u jeedin doonaa ciidamada saacadaha soo socda ee maanta .

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this