Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad banii’aadnimo oo ka taagan magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaalad banii’aadanimo oo ba’an ayaa ka taagan magaalada Laascaaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Barakac xooggan ayaa saaka ka socda Laascaanood kadib markii Ciidamada Somaliland kordhiyeen xasuuqa shacabka oo lala dhacayo rasaas aan loo meel dayin.

Dhaawacyada rayidka loo adeegsaday rasaasta aan kala sooca lahayn ayaa buuxiyay xarumaha caafimaadka magaalada.

Adeegyada kala duwan ee bulshada ayaa sidoo kale gabaabsi ah waxaana xiran dhamman xarumihii ganacsiga iyo kuwii adeega guud.

Kacdoonka shacabka oo galay maalintii sagaalaad ayaa sidoo sii xoogaysanaya iyadoo ciidamada Somaliland ay weli ka raja qabaan in ay awood ku joojin karaan kacdoonkaas.

PUNTLAND POST

The post Xaalad banii’aadnimo oo ka taagan magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this