Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland oo ka horyimid diiwaan-gelinta qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland ayaa ka horyimid diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod oo loo ballansan yahay saddex maalmood kadib.

Xubno ka tirsan urur siyaasadeedka Mustaqbal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan urur ahaan diyaar u ahayn diiwaan-gelinta.

Urur siyaasadeedkan ayaa ku biiray urur siyaasadeedyada diidan diiwan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod oo sida la sheegayo aan weli siyaasad ahaan looga heshiin.

Mideeye, Horseed, Dhalinyarada iyo garab kamid ah urur siyaasadeedka Shaqaalaha ayaa sidoo kale horay u diiday diiwaan-gelintan.

PUNTLAND POST

The post Urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland oo ka horyimid diiwaan-gelinta qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this