Jacaylbaro Posted April 13, 2009 Shir lagu qabtay magaaladda London oo ay kasoo qaybgaleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Britain ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergayga gaarka ah ee UNka u qaabilsan arimaha Somalia Walad Ahmed Cabdallha, Ra'isul wasaarihii hore ee DKMG, Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" iyo Mas'uul ka socday wasaaradda arimaha dibadda ee Britain ayaa waxaa ay ka dhacday Woqooyi Galbeed ee magaaladda London maalintii Sabtida ahayd. Shirkaani ayaa ujeedadiisa waxaa ay ahayd in lagu dhiiri galiyo Soomaalida qurbaha in ay ku midoobaan sidii dalka looga saari lahaa colaadaha daashaday, isla markaana si laga wada shaqeeyo in markale Soomaaliya ay dib isugu taagto cageheeda, iyadoo si gaar ah loogu mahadcelinayay dadaalka ay dib u heshiisiinta ka gaysteen Ergayga UNka iyo Ra'isul wasaarihii hore ee Somalia. Walad Axmed Cabdalla ayaa sheegay in 320 Million oo Euro loogu tala galay in dib loogu dhiso dalka Somalia, hadii la helo 1Bil (hal bil) oo daganaansho ah, isagoo la dar daarmayay dawladda kumeel gaarka ayaa waxaa uu sheegay in looga baahan yahay in dawladdu ay iyada hogaamiso dalka laakiin dadweynuhu aysan iyagu hogaaminin Dawladda, wxaa kaloo uu sheegay ergaygu in somalia aysan noqon oo kaliya Cilmi-baaris oo kaliya hase yeeshee uu dalku noqdo mid lamid ah kuwa caalamka. Nuur Cadde ayaa isaguna waxyaabaha uu ka hadlay waxaa kamid ahaa in loo baahan yahay in nabadda iyo dib u heshiisiinta ay ka muhiimsan tahay wax walba sidaasi daraadeedna dadka Soomaalidu ay ka gudbaan qabiilka oo uu tilmaamay in uu yahay midka dalka dhibaatadda xoogan u gaystay. Labadan mas'uul ayaa waxaa ay aad uga hadleen sida xiligan loogu baahan yahay in ;a taageero dawladda Somalia, si loogu gudbo nidaam dib usoo celiya sharaftii ay dadka Somalia kulahayd caalamka ka hor inta aanu bur-burka soo gaarin dalka iyo Somalia oo u muuqda kuwa ay isugu darsameen jahawareer iyo ku dhaqanka Qabyaaladda oo la siyaasadeeyay. Waxyaabaha lagu soo hadal qaaday goobtaasi waxaa kaloo kamid ah sida caalamku ugu heelan yahay in uu gargaar u fidiyo dalka Somalia iyo in Hay'adaha UNka ee fadhigoodu yahay Nairobi ay dhaqaale xooggan soo galin lahaayeen dalka haddii xaaladda ammaanku ay wanaagsanaato isla markaana xarumohooda ka dhigan lahaa dalka. Sidoo kale waxaa laga hadlay dhibaatooyinka Burcad-badeeda Somalia iyo Murankii ka dhashay heshiiskii dhanka badda ee dhowaan ay kala saxiixdeen Dawladaha Somalia iyo Kenya. Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa gabagabdii kulankaasi waxaa ay Abaalmarin gudoonsiiyeen Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabislan Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites