Sign in to follow this  
Deeq A.

TV gii Horyaal ninkii Sayid ahaa buu la dhintay….Max’ed Haaruun

Recommended Posts

Deeq A.   

TV gii Horyaal ninkii Sayid ahaa buu la dhintay.

haaruun.jpg

Hadii aanay nacasnimo hidde ahi meel uun kaa ga soo neefeynin, ka digtoonow in aad tidhaahdid, amaba soo qortid – Sool clan iyaka ayaa is dilaaya! Wax la gu hadlo ma aha. Waa gef aan sinaba iyo marnaba dood dad loo la yimaaddo u ahayn. Caawa hadii Gebilay, Boorama amaba Berbera dilal qorshaysani si joogto ah u ga dhacaan, marnaba iyo sinaba u odhan maysid reeraha meelahaas deegaan ahaan u badan ayaa dilka is ku wada ee iyaku ha is ka joojiyeen. Marnaba sidaas odhan maysid, waanad ku saxantahay in aanad sidaas odhan, maxaa yeelay reeruhu dawlad ma aha, ilaalinta amniga na lacag ma ku qaataan. Waxad odhanaysaa meesha maamul baa ka jira ee hay’adihii iyo masuuliyiintii amniga maxaa ku dhacay? Adiga oo sidaas u hadlaaya oo u fikiraaya, marka ay Laascaanood timaaddo, ha is ka nacasnimo hadlin. Aff xun oo uraaya intoo aad ka la furtid, sidii neef ha is ka ciyin. Ha odhan iyaka ayaa is dilaaya ee ha joojiyeen. Ha la mid noqon islaanta meel halkeer ah ka dhuranta oo kale. TV gii Horyaal ninkii Sayid ahaa buu la dhintay.

Waxa Qoray:

Maxamed Haaruun Biixi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this