Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muxuu salka ku haya dagaalka ka dhex qarxay Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn usoo ifbaxay khilaaf cusub oo ka dhex qarxay horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab, kaasi oo markii dambe isku rogay dagaal gacan ka hadal ah.

Dagaalka ka dhex qarxay Al-Shabaab ayaa waxa uu salka ku haya khilaaf soo kala dhex-galay horjoogayaal ka wada tirsan kooxda, kuwaasi oo isku fahmi waayay arrimo la xiriira dagaalka ka dhan ah ee kaga socda gobolada, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo-wareedyo amni.

Horjooge lagu magacaabo Muxudiin Daqare iyo maleeshiyaad uu hogaaminayo ayaa magaalada Xarardheere dhinac uga baxay, iyagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in maleeshiyaadka horjooge Daqare uu horkacayay ay isku dayayeen inay ka goostaan Al-Shabaab, kadib isfaham darada soo kala dhex-gashay horjoogayaasha kale.

Horjooge kale oo magaciisa lagu sheegay Nuunaale oo la sheegay in uu haysto kooxda Jabhadda ayaa amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka baxsadka ah, taasi oo keentay in uu qarxo dagaal socday muddo saacado ah.

Dagaalka dhinacyada ka wada tirsan kooxda u dhaxeeyay oo ka dhacay deegaan dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga degmada Xarardheere ayaa sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah, illaa haddana majiro xal laga gaaray, sida ay sheegayaan illo-wareedyada.

The post Xog: Muxuu salka ku haya dagaalka ka dhex qarxay Shabaab? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this