Sign in to follow this  
General Duke

Powerful Mogadishu business-men warn warlords...

Recommended Posts

Warsaxaafadeed ay soo saareen Eng. Enow iyo Xaaji Abuukar ayaa digniin kulul u soo jeediyay wasiirada hubaysan ee Muqdisho ku sugan kadib markay kulan kuwada,,,

 

July 2, 2005 Radio Free Somalia

 

Kulan ay albaabada u xiran yihiin oo ay maalinti khamiista ee bisha 30 juun ay ku qaateen guriga ganacsadaha lagu magacaabo Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ay kuwada qaateen wasiirada hubaysan ee ku sugan magaalada Muqdisho , Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalahow , Wasiirka Howlaha Guud Cismaan Xasan Cali "Caato", wasiirka Amniga Maxamed Qanyare iyo ganacsade Ing. Cabdulqadir Maxamed Nuur " Eng.Enow" .

 

 

War saxaafadeed ay kulankaa ka soo saareen Xaaji Abuukar Cumar Cadaan , Cadulqadir Maxamed Nur iyo ganacsartada Beesha oo ay isku haybta yihiin Wasiirka Koowaad iyo gudoomiyaha gobolka Sh. dhexe Maxamed Cumar Xabeeb , ayaa waxay digniin kulul u soo jeediyeen wasiiradii hubaysnaa ee ganacsatada ku soo booqday degaankooda.

 

1. In aysan marnaba isku dayin wasiirada Hubaysan in ay weerar ku qaadaan magaalada Jowhar oo uu ka jiro maamul nabad iyo xasilooni ku dheehan.

 

2. In ay la yimaadaan jawi nabad , waqtina siiyaan maamulka gobolka ee uu horkayo Mudane Dr. Cadde Xasan Gaabow.

 

3. In aysan abaabulin soona celin dagaaladii sokeeye ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho ka daaleen.

 

4.In ay la shaqeeyaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Wasiirkiisa koowaad Cali Maxamed Geedi , maadaama dowlad nabad iyo dib u heshiisiin ay tahay .

 

Waxaa iyana warsaxaafadeed kaa la mida soo saaray Ganacsade Bashiir Raage iyo Cabduqaadir Beebe oo yiri yeysan wasiirada ismahadiyay , yaysan soo dedejin dagaal ay ku weynayaan sharaftooda.

 

Bashir Raage iyo Cabdulqaadir Beebe oo ah wakiilada Maxamed Dheere ee Magaalada Muqdisho , maamulana qaybaha ugu balaaran ee magaalada Muqdisho iyo dekedaha iyo garoonka dabiiciga ah , ayaa si aada uga carooday kulanka ay isku soo bahaysteen wasiirada ku sugan magaalada Muqdisho ee uu horseedka u ahaa wasiirka Howlaha Guud Mudane Cisman Xasan Cali Caato ayna ku weheliyeen wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo wasiirka Amiga Maxamed Qanyare, iyagoo kulankooda ku micneeyay halbacaad lagu lisay iyo dadaalo aan loo meel dayin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this