Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadaha Isgaadhsiinta Laascaanood ayaa hawada ka saaray khadka Internetka kadib markii xukuumadda Somaliland ku amartay in ay jaraan.

Recommended Posts

Deeq A.   
Xukuumadda Somaliland ayaa shirkaddaha isgaadhsiinta ku qasabtay in ay hawada ka saaraan Adeegga Internetka ee magaalada Laascaanood, iyadoo ciidamo millatari ah ay la wareegeen xaruumihii shirkaddaha Telesom iyo Golis.
Xukuumadda oo horey warqad amar ah ugu qortay shirkaddaha in ay Internetka hawada ka saaraan, ayaa ugu dambeyn maanta adeegsatay awood ciidan, iyadoo xabsiga loo taxaabey maamulihii shirkadda Telesom ee gobolka Sool.
Balse waxaa si caadi u shaqeynaya adeegyadii kale ee is gaadhsiinta, sida; Wicitaannada Telefoonnada iyo Lacagaha Electronicska ah.
323707916_863838451603581_74136616613039
323263256_710271214003013_38797025194703
323265738_863443631638518_20202375140602

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this