Sign in to follow this  
Deeq A.

2022: Maxay ahaayeen dhacdooyinkii ugu waaweynaa Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanadkii tagay ee 2022 waxaa Soomaaliya ka dhacay isbaddelo siyaasaddeed, amni iyo horumarineed, waxaana ka mid ahaa doorashooyin muddo soo jiitamayay oo dhacay, deegaano ay muddo dheer ka talinayeen Al-shabaab oo lagala wareegay iyo dekeddii 5-aad oo Soomaaliya yeelatay.

February 22, 2022: Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya, kana soo jeeday gobolka Sool ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo.

February 24, 2022: Dad ka badan 10 qof oo rayid ah ayaa dhintay, kaddib markii gaari ay saarnaayeen miino kula kacday deegaanka Beerxaani oo 50-km dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

March 23, 2022: Lixda qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaanib uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa ku dhintay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.

March 23, 2022: Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay xerada Lamagalay ee magaalada Beledweyne waxaa ku dhintay 48 qof, halka ay ku dhaawacmeen 108 kale, dadka qaraxyadaas ku dhintay waxaa ku jirtay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd baarlamaankii 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya.

April 12, 2022: Labo qof oo mid ahayd haweenay xaamilo ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo, oo lagu weeraray guri uu daganaa mas’uul ka tirsan Jubaland.

April 14, 2022: Waxaa la dhaariyay xildhibaannada labada aqal ee baarlmaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

April 26, 2022: Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa isna ku guuleystay guddoomiye ku xigeenka koowaad, halka Senator Cabdullaahi Cali Timacade loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad.

April 28, 2022: Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ku-xigeenka kowaadna waxaa loo doortay xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, halka ku-xigeenka labaad uu ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshirow.

May 15, 2022: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.

May 23, 2022: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jun 16, 2022: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

July 11, 2022: Ku dhawaad 10 askari ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay afaafka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kaas oo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Puntland (PMPF iyo PSF).

July 20, 2020: Ururka Al-shabaab ayaa gudaha u galeen dowlad Deegaanka Soomaalida, iyagoo ka tallaabay xadka gobolka Bakool.

August 2, 2022: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyey liiska golaha wasiirada ee xukuumaddiisa, waxaana ka soo soo muuqday Mukhtaar Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-shabaab.

August 11, 2022: Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 90 kale waa ku dhaawacmeen dibadbaxyo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

August 19, 2022: In ka badan 20 ruux ayaa ku dhintay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen hoteelka Xayaat ee Muqdisho, weerarkaas oo socday muddo 30-saacadood ah.

October 1, 2022: Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa madax Al-shabaab, laguna tilmaamay in uu ahaa ninka la qorsheynayay in uu la wareego hoggaanka ugu sarreeya kooxdaas ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Hoose.

October 3, 2022: In ka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay saddex qarax oo ka dhacay Beledweyne, gaar ahaan xerada Lamagalay oo xarun u ah madaxda Hirshabeelle iyo kuwa gobolka Hiiraan, waxaana dadka qaraxyadaas ku dhintay ka mid ahaa wasiirkii caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Hurre iyo guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.

October 19, 2022: Ilaa 15 qof ayaa ku dhimatay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana dadka qaraxaas ku dhintay ka mid ahaa guddoomiyihii degmadaas Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo markaas xilka laga qaaday balse aan weli wareejin iyo duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise.

October 19, 2022: Qarax loo adeegsaday mooto bajaaj ayaa lagu dhuftay buundada degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan oo ah buundo muhiim ah oo isku xirta gobolada dhexe ee dalka iyo caasimadda Muqdisho, waxaana qaraxaas uu burburiyay qayb ka mid ah buundada, waxaana weerarkaas ku dhintay hal qof.

October 22, 2022: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray dekedda Garacad oo ah mashruucii ugu waynaa abid ee iskutashi lagu dhiso.

October 22, 2022: Maxkamadda militeriga Soomaaliya ayaa dil toogasho ku fulisay Axmed Cabdullahi Caydiid oo loo heystay dilka wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabbaas Siraaji oo dhacay bishii May ee 2017.

October 23, 2022: 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo.

October 29, 2022: In ka badan 100 qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay, 300 oo kalana waa ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyay oo lala beegsaday wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo xarunteedu ay ku taallo inta u dhaxeysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir, dadkii weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ahaa wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hodan Xuseen Cadceed Cismaan.

September 3, 2022: Al-shabaab ayaa in ka badan labaatan qof oo rayid ah ku dilay gobolka Hiiraan xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas. Dhacdaas ayaa sababtay in qabiilada Soomaalieed oo garab ka helaya ciidamada milatariga Soomaaliya ay bilaabaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo in lala wareego deegaano ay sanado badan ka talinayeen Al-shabaab.

September 23, 2022: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday wasiirkii maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo wasiirkii Caddaaladda Cawil Sheekh Xaamid, wuxuuna wasiirka maaliyadda u magacabay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo horey u joogey wasaaradda arrimaha gudaha, halka uu Cabdi Faarax Siciid Juxa u magacaabay arrimaha gudaha.

September 30, 2022: Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

November 5, 2022: Ilaa 15 qof oo u badan dhalinyaro ayaa ku dhintay qarax ismiidamin oo ka dhacay xero lagu tababaro ciidamada (xero Nacnac) oo ku taalla magaalada Muqdisho.

November 27, 2022: Weerar qarax ku bilowday ayaa lagu qaaday Hotel Villa Rays oo wax ka yar 100 mitir u jiro xarunta madaxtootada Soomaaliya, waxaana weerarkaas oo socday dhowr iyo toban saacadood ku dhintay in ka badan 10 ruux.

December 9, 2022: Taliyihii Nabadsugida gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) ayaa lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga degmada Luuq, xilli uu safar ugu socday degmada Doolow.

December 23, 2022: Ugu yaraan10 qof ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay magaalada Baydhabo oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taageersan Midowga Musharaxiinta maamulkaas.

December 23, 2022: Waxaa magaalada Laascaanood lagu dilay Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi, dilkaas iyo dilal la mid ahaa oo si joogta ah uga dhici jiray magaaladaas ayaa sababtay kacdoon ka dhan Somaliland, waxaana ciidamada Somaliland dileen dad ka badan 10 qof oo maalmihii la soo dhafay dhigayay mudaharaadyo, sidoo kale waxay dhaawaceen tiro intaas ka badan.

Intaas ayaa aan ku soo koobaynaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee guud ahaan ka dhaca Soomaaliya ee sanadkii tagay ee 2022.

PUNTLAND POST

The post 2022: Maxay ahaayeen dhacdooyinkii ugu waaweynaa Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this