Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf culus oo markale ka dhex qarxay Deni iyo Karaash + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halaas laga dareemayo saameyn ka dhalatay xiisadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo la soo wariyay in haatan ay khilaaf ka dhex dhalisay madaxweynaha Puntland iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa isku qabtay qaabka looga falcelinayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Laascaanood, taas oo gashay todobaadkii labaad oo rabshado ah.

Wararka ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday kulan ay yeesheen labada mas’uul, kaas oo ay goobjoog yihiin mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, isla-markaana looga hadlayey dhibaatada ka taagan Laascaanood oo ay joogaan ciidamada Somaliland.

Karaash ayaa ka carooday qoraal uu habeen kahor madaxweyne Deni ka soo saaray xiisaddaas, kaas oo u badnaa baaq loogu dirayo Somaliland, taasoo oo uu dhibsaday ku xigeenku, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo ku sugan Garoowe.

Khilaafka labadaan nin ayaamarar badan soo noq-noqday, waxaana ugu dambeeyay oo ay is qabteen xilligii doorashooyinka markaas oo uu musharrax ahaa Saciid Deni, inkasto markii dambe xal waara laga gaaray khilaafkaas oo saameeyay hay’adaha maamulka.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda gobolka Sool, isla-markaana ka tegay Garoowe ay haatan isku uruursanaya duleedka magaaladaas, si ay u aadan aaga magaalada Laascaanood oo ay ka taagan xaalad aad u cakiran.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa haatan faraha kasii baxaysa, waxaana kordhay dhimashada iyo dhaawa ka dhashay rabashada ka socda Laascaanood.

Magaaladan waxaa ku soo noq-noqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada gobolka Sool.

The post Khilaaf culus oo markale ka dhex qarxay Deni iyo Karaash + sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this