Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo gudoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka dhageystay, isla markaana su’aalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballanqaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwaas oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023, iyada oo lagu saleynayo siyaasadda iyo barnaamijka xukuumadda #DanQaran.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu kula dardaarmay wasiirrada in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo gudoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this