Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay wasiirada saddex wasaaradood maanta u gudbiyeen Xamza?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Wasiirada saddex wasaaradood ka guddoomay ballan-qaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023.

Saddexdaan Wasiir ayaa kala ahaa Wasiirka Qorsheynta, maal-gashiga & horumarinta dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka ganacsiga & warshadaha, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta & federaaleynta ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ka dhageystay, islamarkaana su’aalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballan-qaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen, kuwaasi oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023, iyada oo lagu saleynayo siyaasadda iyo barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran.

Xamza ayaa waxa uu kula dardaarmay wasiirrada in la xoojiyo wada-shaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muddooyinkii dambe ka guddoomayay Wasiirada xukuumadiisa ballan-qaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, taasi oo qeyb ka ah isla xisaabtanka iyo korjoogteynta howlaha shaqo ee xukuumadda.

FB_IMG_1672500223434.jpg?resize=696%2C46
FB_IMG_1672500225254.jpg?resize=696%2C46FB_IMG_1672500227514.jpg?resize=696%2C46FB_IMG_1672500219953.jpg?resize=696%2C46FB_IMG_1672500230414.jpg?resize=696%2C46FB_IMG_1672500235810.jpg?resize=696%2C40FB_IMG_1672500238408.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Maxay wasiirada saddex wasaaradood maanta u gudbiyeen Xamza? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this