Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay in ergay ku dishay Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ay ku dileen mid kamid ah Ergada maamulkaasi.

Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab, dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ayaa xaafada Bukurey ee magaalada Baydhaba ku dilay ergaygaan oo magaciisa ku sheegeen Ibraahim Xubne.

Sidoo kale waxay sheegteen in xoogag kamid ah waxay ugu yeeraan Jihaadiyiinta ay xalay dagaal culus ku qaadeen saldhigyada askarta Uganda iyo kuwa DFS ee degmada Janaale.

“Majiro wax war ah oo kasoo baxay labaadaas weerar oo sheegaya in halkaas ay ka dhasheen khasaare soo gaaray askartaas.”

Dilka Ergaygaan ayaa imanaya xili ay maamulka Koonfur Galbeed ka taagan tahay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, kaasi oo muddo xileedkiisa sharciga ahaa ku eeka 19-kii bishaan.

Dhinaca kale, majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo la xiriirta sheegashada kooxda Al-Shabaab, oo xiligaan wajahaya dagaal culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka sare u qaaday weerarada gaadmada iyo dilalka qorsheysan ee fulinayaan, kuwaasi oo loo yaqaano ku dhufo ka dhaqaaqda.

The post Al-Shabaab oo sheegatay in ergay ku dishay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this