Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Barakac xooggan ayaa ka bilowday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaas oo maalintii lixaad Ciidamada Somaliland ku laynayaan dad shacab ah.

Dhawaqa hubka ayaa saaka laga maqlaya dhammaan xaafadaha Laascaanood waxaana gebi ahaanba gacanta ka sii baxaysa xaaladda magaalada.

Dadka rayidka ah ayaa u bara-kacaya degaannada ka baxsan Laascaanood xilli Gobolka Sool oo dhan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Kacdoonkan shacabka ayaa marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya halka Somaliland weli u isticmaalayso awood ciidan.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this