Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Al-Shabaab oo dad shacab ah iyo gaadiid ka afduubtay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Jimcihii ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay afduub ka geysteen gobolkan oo dhaca bartamaha dalka islamarkaana ay ka socdaan howlgallo culus.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee afuubka geystay ay waddada u galeen gaadiid ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayey gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inmoo sheegay in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay horay u kaxeysteen illaa 20 qof oo la socotay gaar Hoomey ah iyo mid Noah ah xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Halgan iyo Abuurey ee gobolkaasi.

Shacabka la afduubtay iyo gaadiidka ay la socdeen ayaa kasoo baxay dhanka deegaanka Halgan, waxayna ku sii jeedeen dhinaca degmada Buulo-Burte.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha afduubtay dadkaas in la aadeen dhanka howdka, gaar ahaa goobaha ay heystaan Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomalaiya oo ku aadan dhacdadaasi.

Arrintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay dadka deegaanka oo markii hore culeys kala kulmayay howlgallada iyo dagaalka haatan ka socda gobolkaasi.

Si kastaba, Hiiraan ayaa ah gobolka uu ka soo billowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo deegaano iyo degmooyin horleh ka qabsatay kooxda, kadib dagaallo ay qaadeen ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka.

The post Daawo: Al-Shabaab oo dad shacab ah iyo gaadiid ka afduubtay gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this