Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo Somaliland u diray farriin la xariirta xiisadda Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo amniga caasimadda.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Xaaladda cakiran ayaa ka taagan Laascaanood, waxaana maalinkii labaad banaan-baxyo rabshado wata dhigaya shacabka magaaladaas, halka ciidanka Somaliland ay awood u adeegsanayaan xakameynta dibadbaxyada.

Salaadii Jimco ee maanta kadib waxaa dhacay banaan-bax aad u balaaran, waxaana rasaas kala hor tegay ciidanka Somaliland, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culumada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadkii maanta ku dhintay Laascaanood, waxaana dhaawacmay Taliyiyii qeybta booliska gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyootay rabshadaha ka socda Laascaanood, in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda magaaladaas, rabshadahaan iyo dagaalka ay kala hor tagtay Somaliland ayaa ka bilowday dilal aan la aqoonsan cidda geysata oo lagu hayo haldoorka magaaladaas.

The post Xasan Sheekh oo Somaliland u diray farriin la xariirta xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this