Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh: Somaliland xal aan xabbad ahayn haku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20221230_201746103.jpg?resi

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxanuud ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee dileen ciidamada Somaliland waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheekh: Somaliland xal aan xabbad ahayn haku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this