Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Amartay In La Soo Qabto Madaxweynihii Hore Ee Botswana

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taalla dalka Botswana ayaa soo saartay amar lagu soo qabanayo madaxweynihii hore ee dalka Botswana Ian Khama oo lagu eedeeyey in uu haystay hub sharci darro ah.

Qaaliga Maxkamadda ayaa amray in aragti lagu soo qabto .

Madaxweynaha hore oo 69 jir ah ayaa dalka Botswana ka tagay sanadkii hore waxaana uu deggan yahay dalka ay dalkaas deriska yihiin ee koofur Afrika .

Waa uu dafiray eedeymahaas wuxuuna sheegay in eedeymahaa ay qeyb ka yihiin shirqool siyaasadeed ka dib markii talada kala wareegay ninka isaga bedelay ee Madaxweyne Mokgweetsi Masisi.

Mr khma ayaa xafiiska madaxtinimada ka tagay sanadkii 2018kii markii uu xukunka hayey labo jeer oo min shan sano ah.

Waxaa uu wajahayaa 14 eed oo ay ku jiraan in uu lacag isdaba mariyeyuuna haysto hanti uu xaday .

Warqadda soo qabashadisia ayaa keliya waxaa ku xusan in uu heysto shan qori oo sharci darro ah .

Waxaa lala eedeeyey madaxii hore ee sirdoonka dalkaas iyo madaxii hore ee Boliiska..

Waxaa la filayaa in dowladda Botswana ay ka codsato Koofur Afrika in ay ninkaas u soo gacan galiso

Mr Khama waa wiilka madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaas Seretse Khama wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo in loo soo masaafuriyo Botswana si uu fursad ugu helo in uu soo bandhigo waxa uu ku tilmaamay beenta isaga laga sheegay .

Wuxuu u sheegay barnaamijka BBC’s Focus on Africa bishii April in eedeymahaa ay yihiin waxa uu ku tilmaamay kuwo la dhoodhoobay uuna sheegay in dad ka tirsan dowladdaay doonyaan in ay sumcaddiisa wax uu dhimaan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this