Deeq A. Posted December 30, 2022 Wararkii u danbeeyay & Xaalada Laascaanood Maalintii afraad ayaa mudaharaado ka socdaan magaalada Laascaanood, Ciidamada ayaa ridaya rasaas si ay mudaharaadka u joojiyaan. Bidde Faarax Caalin, oo ka mid ahaa Odayaasha magaalada ayaa ku geeriyooday rasaas la sheegay in ay rideen Ciidamada Somaliland. Ganacsiga magaalada ayaa xidhan ilaa maalintii mudaharaadku bilaamay. Dhinaca kalena laba Isuduwe ayaa maanta sheegay in ay xilkii iska casileen kuwaas oo kala ah Xanan A. Warsame oo ahayd Isuduwihii Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo Hafsa Dualleh, oo ahayd Isuduwii Maamul wanaaga. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites