Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka bilowday Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221230_160820527.png?resize=720

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo maanta ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa maanta bilowday kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaas la dhaceen shacab maalintii afraad muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.

Iska hor-imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland dadka degaanka ayaa ka dhacay magaalada welina sii xoogaysanaya.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda Laascaanood.

Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culimada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadka ku dhintay dagaalka halka uu dhaawac yahay Taliyiyii Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire.

PUNTLAND POST

The post Khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka bilowday Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this