Sign in to follow this  
General Duke

Sana: Yemen commends Puntland for its stability progress

Recommended Posts

Yemen:Dawlada Yemen oo amaanay Hor’umarka Baaxada leh ee Puntland..(Warbixin).

5. oktober 2010

 

Yemen:(Allpuntland)-Wasaarada Arimaha Dibada ee Jamhuuriyada Yemen ayaa amaantay islamarkaasna bogaadisay Hor’umarka ay Xasiloonidu keentay ee kajiray Puntland 12-kii sano ee lasoo dhaafay taas oo badalkeeda Koonfurta Soomaaliya ay holcaysay,waxaana ay Yemen bogaadisay dadkii ku dhiiraday Asaaska Puntland.

 

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee Jamhuuriyada Yemen Abuubakar Alqarbi ayaa Xafiiskiisa magaalasa Sanca warbaahinta ugu sheegey in Yemen ay ku faraxsantahay Saan qaadka Wanaagsan ee Puntland kajira,Waxaana uu intaas ku daray inay Puntland ka taageerayaan dhinacyo kaladuwan.

 

Mr,Alqarbi ayaa sheegey in kulankii uu horaantii Todobaadkan la qaatay madax katirsan Dawlada Puntland uu hogaaminayey madaxweynaha Dawlada Puntland Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ay wafdiga Puntland isdhaafsadeen Qoraalo kaladuwan islamarkaasna uu aad ugu farxay Waxqabadka Maamulka Puntland oo uu sheegey in uusan marna rajeynayn in Maamul ka jira Soomaaliya waqtigan uu sameyn karo Waxqabad intaas le’eg.

 

Wasiirka Umuuraha Dibada ee Yemen Wuxuu fariin udaray Beesha Caalamka oo uu sheegey in looga baahanyahay inaysan ku mashquulin dagaalada kajira Soomaaliya oo kaliya ee ay eegaan dhinaca deegaanada Nabdoon islamarkaasna wuxuu ugu baaqay In shacabka & Xukuumada Puntland lagu dhiira galiyo Hor’umarka ay samaynayaan.

 

Mar uu ka hadlayey taageerada Yemen ee Puntland ayuu sheegey in ay noqon doonto mid mira dhal ah islamarkaasna ay ka taageeri doonaan dhinacyo kaladuwan,waxaana uu si gaar ah usoo qaatay Xiriirka Wasaaradiisa & Puntland kaas oo uu sheegey inu rajeynayo in la balaariyo islamarkaasna ay Dawlada Puntland Yemen ay ka taageerayso dhinaca Hor’umarka gaar ahaan wanaajinta Maamulka,Caafimaadka,Amaanka & Waxbarashada oo uu sheegey in dhamaantood ay muhiim u yihiin isdhexgalka labada Shacab.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this