Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo Geelle guddoonsiiyey billada ugu sareysa dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa, ayaa waxa uu ku guddoonsiiyay billad-sharafta ugu sarreysa dalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Billad Qaran ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo.

“Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhankiisa ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.

xasan1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 xasan0.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 xasan2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 xasan3.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 geelle-nd-xasan.jpg?resize=696%2C464&ssl xasan5.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo Geelle guddoonsiiyey billada ugu sareysa dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this