Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Deni oo lagu eedeeyay in ay af-hayeen u noqotay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Bulshada Gobolka Mudug ee Puntland oo ay hoggaaminayaan Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir maalmahan uga socday Gaalkacyo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu cambaareeyay shacabka Ciidamada Somaliland ku laayeen Gobolka Sool gaar ahaanna magaalada Laascaanood waxaana lagu sheegay in bulshada Gobolka Mudug ay garab taagan yihiin walaalahooda Gobolka Sool.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in bulshada Gobolka Mudug ay aad uga xun yihiin sida xukuumadda Deni ay af-hayeen ugu noqotay Somaliland oo xasuuqaya shacabka Laascaanood halkii ay ka difaaci lahayd.

Dhinaca kale war-saxaafadeedka ayaa looga hadlay muranka ka taagan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland waxaana laga digay in qalalaase ka dhasho.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

FB_IMG_1672391071449.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1672391075682.jpg?resize=720%2C12

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Deni oo lagu eedeeyay in ay af-hayeen u noqotay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this