Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka dhashay weerar Ciidamada Somaliland goor dhaweyd ku qaadeen shacabka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay weerar goor dhoweyd ciidamada Somaliland ku qaadeen dad rayid ah oo maalintii afraad muddaharaad ka dhigaya Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale rasaas ku riday masjid laga jeedinayay khudbadda Jimcaha oo ay ku sugnaayeen dad weyne badan.

Kacdoonkan ka socda Laascaanood oo loo bixiyay Kacdoonka buluugan ayaa shacabka magaaladu ku dalbanayaan in ay Somaliland ka baxdo Gobolka Sool.

Kacdoonka oo markii hore ka bilowday dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo dadka reer Sool ayaa sidoo kale samaayn ku yeeshay degaanno kale oo ka baxsan Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Khasaare ka dhashay weerar Ciidamada Somaliland goor dhaweyd ku qaadeen shacabka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this