Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza iyo Aadan Barre oo ka wadahadlay laba qodob oo ay ku jirto xuduudda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale, oo ay ka wada hadleen Iskaashiga Amniga iyo sidii dib loogu furi lahaa xuduudda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Aadan Barre Ducaale ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, si uu qeyb uga noqdo furitaanka Xarunta Akadeemiye-goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo laga dhisay magaalada Muqdisho, islamarkaana ay xariga ka wadajareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelleh. 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xagga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, oo dowladda Soomaaliya ay gaartay guulo waaweyn. 

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen qaabkii dib loogu furi lahaa xuduudda labada waddan ee deriska ah, si ay u sahlanaato isu socodka iyo ganacsiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya. 

Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo Jubaland ku sugan, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dowlad gobolleedka Jubaland ayaa waxaa ka socda u diyaargarowga dagaal xooggan oo kooxaha argagixisada looga xoreynayo deegaannada ay weli ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

320961103_941515713502811_13958766493119 Xamza-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 322385478_760390559033710_68313641360608 322934636_513805380731088_84795090721425 322513339_699792108546825_70069136641770

The post Sawirro: Xamza iyo Aadan Barre oo ka wadahadlay laba qodob oo ay ku jirto xuduudda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this