Sign in to follow this  
Deeq A.

Kala shaki soo dhex galay Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Kala shaki iyo cabsi ayaa soo kala dhex galay saraakiisha Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dhinaca Amniga ah.

Saraakiisha iyo askarta u dhashay Gobolka Sool ee ka tirsan Ciidamada Somaliland ayaa ka horyimid awaamiirta Guddoomiyaha Gobolka Sool ee lagu laynayo Shacabka Laascaanood.

Xogaha ayaa tilmaamaya in Ciidamada u dhashay Sool qaarkood ay sameeyeen gadood ciidan islamarkaana gaar uga baxeen kuwa u dhashay Somaliland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan saraakiil is casilay balse Puntland Post weli si madax-bannaan uma xaqiijin.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa weli kacsan halkaas oo uu ka socdo muddaharaad ka dhan ah Somaliland waxaana muddaharaadka ku dhintay dad shacab ah oo Ciidamada Somaliland rasaas la dhaceen.

PUNTLAND POST

The post Kala shaki soo dhex galay Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this