Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye u dhashay Gobolka Sool oo Ciidankiisa kala baxay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672315513186.jpg?resize=720%2C72

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in sarkaal u dhashay Gobolkaas uu Ciidankiisa kala baxay Somaliland.

Taliye Xuseen Ducaale Dheeg oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in uu Ciidankiisa kala baxay Somaliland.

Taliye Dheeg ayaa sidoo kale iska casilay xilkii uu ka hayay Ciidamada Somaliland waxaana la sheegay in uu ka xumaaday dadka rayidka ah ee Ciidamada Somaliland ku laayeen Laascaanood.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen rasaas Ciidamada Somaliland la dhaceen shacab muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.

Muddaharaadka oo looga soo horjeedo dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo dadka Reer Sool ayaa maalintii saddexaad ka socda Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Taliye u dhashay Gobolka Sool oo Ciidankiisa kala baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this