Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka Difaaca KENYA oo yimid Muqdisho kadibna ballanqaad sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca dowladda Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Safarka Wasiir Aadan Barre Ducaale ku soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la xiriira ka qaybgalka munaasabadda daaah-furka xarunta Akadeemiyo goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA, taas oo haatan ka socota gudaha caasimada.

“Waxaan maanta magaalada Moqdisho ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminaayo wasiirka Difaaca Dalka Kenya Adan Bare Ducaalle, wasiirka wuxuu ka qayb geli doonaa xaflada furitaanka ee Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA),” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gudaha dalka ku soo dhoweeyey dhiggiisa dalka Kenya.

Munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goojoog ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geell oo labaduba si wadajir ah maanta xarigga uga jari doono xaruntaasi.

Aadan Barre Ducaale oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa xusay inay muhiim tahay in la weyneeyo, lana sharfo afka Soomaaliga.

“Maanta waxaa noogu yeerteen inaan sharfno Afka Soomaaliga, laakiin naga joojiya waxaad noo bixiseen Soomaali Sujuu,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Kenya.

Sidoo kale wuxuu munaasabadda ka ballan-qaaday in dowladda cusub ee Kenay ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in horay Kenya u garab istaagtay madaxweynaha dowladda federaalka, welina sii wadeyso dadaaalka iyo garab istaageeda.

“Annaga garab ayaa nahay na tirsada dowladda cusub ee hadda ka dhalatay Kenya waa dowlad aqoonsan Ummadda Soomaalida iyo Ummadda Muslimiinta,” ayuu sii raaciyay.

Kenya ayaa kamid ah dalalka dariska ah, waxayna haatan Soomaaliya la leedahay xiriir diblumaasiyaasadeed, kaas oo uu isbeddal weyn ku yimid, kadib 15-kii May oo dib loo soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sidoo kale ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

FB_IMG_1672308684649-696x392-1.jpg?resiz 321491626_737724361019559_75268584494639 321618576_1104167123557307_7454742052839 322499982_1212353916329979_8144690984018 322695629_879254976414568_34367143825204

The post Sawirro: Wasiirka Difaaca KENYA oo yimid Muqdisho kadibna ballanqaad sameeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this