Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo aan weli ka hadlin dhibaatada ka taagan Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa weli ku dhici la’ in ay ka hadlaan dhibaatada ka taagan Laascaanood.

Labada mas’uul ayaa ololihii doorashada Puntland ee 2019  ku galay xoraynta Laascaanood waxaase hadalkaas ugu danbaysay markii kursiga loo doortay.

Siciid Deni iyo Axmed Karaash sidoo kale kama tacsiyayn dadkii rayidka ahaa ee ciidamada Somaliland ku laayeen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Sidoo kale xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto Gobolka Sool weli kama tacsiyayn shacabka lagu laayay Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo aan weli ka hadlin dhibaatada ka taagan Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this