Deeq A. Posted December 29, 2022 Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud Oo Shir Gudomiyay Shirka Khamiisla Ah Ee Sarakiisha Amniga Gobolka Nugaal. Shirka ayaa looga hadlay xoojinta amaanka Caasimadda Puntland ee Garowe iyo Degmoyinka Gobolka. Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Taliyaasha Saldhigyada,Kantaroolada iyo Heeganka ee Gobolka. Taliyaha qaybta booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa faray sarakiisha inay dardar galin adag sii galiyaan shaqada Amniga si bulshada loo adeego. Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Sarakiisha iyo Ciidamada shaqada adag ay qabteen kooxihii Mandooriyaha Gacan adag ugu dhigeen oo Sharciga u horgeeyen. PUNTLAND POST The post Booliska Gobolka Nugaal oo shiray Xoojinta Amniga Gobolka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites