Sign in to follow this  
Deeq A.

Saudi Arabia oo Gacanta ku dhigtay Qaad la doonayey in Dalkeeda la geliyo+Tirada Dadka lagu qabtay & Dalalkay u dhasheen

Recommended Posts

Deeq A.   

Saudi Arabia oo Gacanta ku dhigtay Qaad la doonayey in Dalkeeda la geliyo+Tirada Dadka lagu qabtay & Dalalkay u dhasheen

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa shaaciyay inay qabteen illaa 30 tan oo qaad ah bishan, ka hor inta aan laga soo gudbin xuduudka koonfureed ee Yemen iyo xudduudda waqooyi ee Urdun.

Wakaaladda wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa afhayeenka ilaalada xudduudaha Sacuudiga, Korneel Misfer Al-Qurayni, ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xuduudaha ee gobollada Najran, ay fashiliyeen isku day lagu doonayay in dalkaasi lagu soo galiyo 29.2 tan oo qaad ah.

Al-Qurayni ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen 361 eedaysane oo qaadkaasi waday kuwaasi oo ay ku jiraan 23 Sucuudi u dhashay, 261 Yemeniyiin ah ah iyo 70 Itoobiyaan ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this