Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf weli ka taagan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah ururrada Siyaasadda Pumtland oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa ku celiyay in aan weli lagu heshiin barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

Ururradan ayaa sheegay in ay weli taagan yihiin oo aan laga heshiin qaar kamid ah qodobadii keenay khilaafka doorashooyinka qof iyo cod islamarkaana u baahan yihiin in laga gaaro xal wadareed si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayay sidoo kale u soo jeediyeen in uu joojiyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha ee qorshaysan shanta bisha Jannaayo ee sannadka cusub 2023 waxaana ay ka codsadeen in ay fursad siiyaan xallinta tabashooyinka ururrada siyaasadda si looga baaqsado diiwaan-gelin aan la isku raacsanayn.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in ay shir isugu yimaadaan dhinacyadu si loo sameeyo qorshe dhammaystiran oo heshiis lagu yahay laguna xalliyo khilaafka siyaasaseed ee weli ka taagan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

FB_IMG_1672235402682.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1672235406716.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Khilaaf weli ka taagan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this